Mudanayaasha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa soo gudbiyay mooshin kalsoonida lagala noqonayo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Xildhibaanada ayaa maanta kulan ku yeeshay hool ku yaala magaalada Cadaado , waxaana shir gudoominayay Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.
Intii uu kulanka socday ayaa in ka badan 46 Xildhibaan waxa ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ay ku eedeeyeen in uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Mudanayaasha mooshinkan soo gubiyay ayaa ku eedeynaya madaxweynaha in uu ku fashilmay hogaaminta maamulka, waxaa ayna sheegeen in waajibaadka maamulka uu kaga mashquulay sidda ay hadalka u dhigeen arrimo kale oo maamulka waxba ka quseyn.
Baarlamaanka Galmudug ayaa horey waxaa u hor yaalay mooshin kale oo laga gudbiyay gudoomiyaha Baralamanaka Galmudug Cali Gacal Casir.