Maamulka Degmada Baledweyne oo Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey

0
98

Warqada ka soo baxday Madaxda Maamulka Hirshabeelle oo uu ku saxiixnaa madaxweynaha maamul goboleedka hirshabele ayaa waxaa xilka looga qaadey dhowr masuul oo ka tirsanaa maamulka degmada beledweyne warqadaas oo aan lagu cadeyn sababta keentey in xilka laga qaado masuuliyiintaas.

Masuuliyiinta xilka laga qaadey ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cismaan Cabdi Qalafoow, waxaana lagu badalay Maxamed Food-cadde.

Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday Gudoomiye ku xigeenka Beledweyne Muuse Cabdi Daahir, waxaana lagu bedelay Qadar Xasan Afrax, sida ku cad warqad ka soo baxday Maamulka Hirshabeelle.

Madaxa Maaliyada Degmada Beledweyne iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xilalkii laga qaaday, waxaana lagu bedelay Mas’uuliyiin cusub.