Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa fariin u dirtay xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka inay dushooda saaran tahay masuuliyad adag, sidaasi darteedna loo baahan yahay in ay ka fakaraan, sidii ay u soo dooran lahaayeen Hoggaamiye dhab ah oo dalka, diinta iyo dadkaba wax u qabta.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa Xildhibaanada cusub ka codsaday in ay ummada Soomaaliyeed u dooraan hoggaan cusub oo dalka wax ka badali kara afarta sano ee soo socota.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada