Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo Kalsoonidii Kala Laabtey Cabdikariin Guuleed

0
57

Wararka aynu ka heleyno degmada Cadaado ayaa sheegaya in xildhibaannada Galmudug kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Kulanka maanta ayaa shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Xareed Cali Xareed, waxaana cod kalsoonida kala laabtay madaxweynaha 54 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 xildhibaan.

Madaxweynaha Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in waxa ka socda Cadaado lagu tilmaami karo Fowdo iyo sharci darro, isaga oo intaa ku daray in uusan aqoonsan doonin natiijo kasta ka soo baxda fadhiga baarlamaanka.