Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xarunta gollaha shacabka ay ka dhacdo doorashada guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.
Musharixiinta u tartamaya xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ayaa maanta hortagi doona xildhibaannada waxaana mid walba oo ka mid ah uu rajeynayaa in uu codka kasoonida ka heli doono.
Xildhibaannada u taagan xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa kala ah :
· Faarax Sheekh C/qaadir.
· Jeylaani Nuur Iikar.
· C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.
· Khaalid Macow C/qaadir
· Saciid Xuseen Ciid.
· Khadiija Maxamed Diiriye.
Ugu danbeyntii, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kala saaraan musharixiinta u taagan xilalkan ku-xigeennada koowaad iyo labaad oo mid walba isku arko in uu heysto kalsoonida baarlamaanka.