Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta Golaha shacabka oo ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka.
Ciidamo fara badan oo isugu jira Nabad suggid, Boolis iyo Millitari ayaa la soo daadiyay wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay u adkeeyaan amniga.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa maalinkii Labaad, waxaana ka mid ah wadooyinka xiran Wadada Maka Al-mukarama, KM4, Taleex, wadada Buundooyinka iyo wadooyin kale.