Waxaa goor dhaweyd la soo gaba gabeeyay Doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayeen labo Musharax.
Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir iyo Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku tartamayay, waxaana ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ku guuleystay C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.
C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa helay codad gaaraya 164 halka Faarax Sheekh C/qaadir uu helay 93.
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada qaar ee Dalka waxaa ka socda Dabaaldegyo iyo fantasyo loogu dabaal degayo guusha uu gaaray Mudane Muudey.