Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadashay dhawaaqii ka soo yeeray xubno ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kaas oo ku aadanaa in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa war saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin khilaafka u dhaxeeya xubnaha xildhibaanada iyo Madaxweynaha Galmudug.
Beesha Caalamka ayaa waxa ay Madaxda Maamulka Galmudug ugu baaqday in ay xaliyaan khilaafaadka qarxay horraantii toddobaadkan, sidoo kalena ay wada hadal hoose ku dhameeyaan mad madowga jira.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa waxa ay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso ee Galmudug, shacabka, Ciidamada ammaanka in ay bilaabaan falkasta oo lagu joojin karo colaada, sidoo kalena looga hortagi karo rabashadaha.