Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa ayaa soo dhaweeyey Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo 11-kii ilaa 12-kii bishan ka dhacday xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Cali Baashi Aadan Faarax oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna oo u waramay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay hadii ay yihiin Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna in ay soo dhaweynayaan sida ay uqabsoontay Doorashadii Guddoonka BF gaar ahaan midii looga guuleystay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo u tartamayay kursiga Ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Ahlusunna ayaa sheegay in Doorashada ay u dhacday si wanaagsan, isagoo sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in isbadalka dalka uu saameeyo Hoggaanka hada Dalka ka arimiya.
Hadalkiisana waxaa ka mid ahaa.
Hallkan hoose kaga dhegeyso mobilkada