Xildhibaan idriss abdi taktar oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay deeganada Koonfur galbeed soomaaliya oo maanta dib ugu laabtey magalada baydhaba ayaa booqday isbitalka weyn ee magaalada baydhabo.
Xildhibaan Idiris ayaa wuxuu halkaasi kula kulmey dad badan oo uu soo ritey cudurka shuban biyoodka xildhibaanka ayaa inta uusan ka soo bixin cisbitaalka waxaa uu maamulka cisbitaalka gudoonsiiyey lacag dhan 5 kun oo doillarka mareykan ah si ay wax ugu qabtaan dadka ku dhibaateysan cisbitaalka.
Xildhibaan Idiris ayaa balan qaadey in uu booqan doono xerooyinka barakcayaasha ee ku yaala magalada baydhabo dadkaasi oo intooda badan ay saameeyeen abaraha ka jira deegaanada koonfur galbeed.
Si kastaba arintu ha ahaatee xildhibaanka cusub ayaa waxaa uu aad uga shaqeynayaa sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka kasoo jeeda koonfur galbeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa halka kuwii 20 xildhibaanad ahaa aysan weligood shacabka ay sheegayaan iney matalaan waxba u qaban in ay jaran jaro ay meesheey rabaan ku gaaraan mooyee.