Daawo:Amiin Caamir oo Maanta Soo Bandhigey Sawirka Dhabta Ah ee Shariif Sakiin

1
98

Farshaxamiista weyn ee somaaliyeed Amiin Camir ayaa maanta bogiisa waxaa uu kusoo bandhigey sawir ka run sheegaayo xaalada dulaalnimo ee Shariif Xasan iyo qabaanimadiisa taasi oo si cajiib leh farshaxamiiste Amiin Camir ugu muujiyey sawir kooban oo ay dhamaan umada somaaliyeed iyo umada koonfur galbeed intaba ay ka dheehan karaan wejiga dhabta ah ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan Sheekh Adan oo sheegta inuu madaxweyne ka yahay maamulka koonfur galbeed isla markaana ku andacooda inuu qaadey masuuliyada dadka ku nool koonfuur galbeed ayaa waxaa uu u muuqdaa in aanuu danba ka laheyn dalka iyo dadka reer koonfur galbeed balse qaab dulaalnimo uu u adeegsado magaca reer koonfur galbeed taasi oo haatan in badan oo ka mid ah dadka reer koonfur galbeed ay aad ugu baraarugeen.

Si kastoo loo dhigaba soo bandhigida wejigan dhabta ah ee uu soo bandhigey farshaxamiiste Amiin Camir  ayaa wexey imaaneysaa xili guud ahaan maamulka Shariif Xasan uu ku fashilmey siyaasada gudaha koonfur galbeed iyo xiriirka siyaasadeed ee kala dhexeeya federaalka.

1 COMMENT

Comments are closed.