Xildhibaanadii Xilka Ka Qaadey Cabdikariin Guuleed oo Diidey Iney La Kulmaan Wafdi ka Socda Dowlada Federaalka

0
70

Xildhibaannadii dhawaan sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed ayaa diiday in ay la kulmaan wafdi ka socda labada aqal ee dowlada oo maalintii shalay gaaray magaalada Cadaado.

Qaar ka mid ah xildhibaannada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xiligan aysan la kulmi Karin wafdiga ka socda DF oo sida ay hadalka u dhigeen ka shaqeynaya wax aan dan ugu jirin shacabka reer Galmudug.

Xildhibaannada ayaa ku eedeeyay wafdiga in ay ka shaqeynayaan sidii ay xafiiska ugu sii heyn lahaayeen madaxweynaha oo sida ay hadalka u dhigeen kol hore xildhibaannada kalsoonida kala laabteen.

Waxaa ay iska fogeeyeen eedeyn dhinacooda loo jeediyay oo ah sababta ay ugu kacsan yihiin Cabdikariin Xusseen Guulleed tahay mishaar la’aan mudo dheer soo food saartay, iyaga oo taa badalkeeda sheegay in mishaar ay qaataan uga weyn tahay masiirka iyo rabitaanka shacabka reer Galmudug.