Degmada Baydhabo oo uu Ka Dilaacey Cudurka Daacuun Caloolaadka

0
300

Wararka ka imaanaya magalada bayhabo ayaa waxaa ay sheegayaan in magalada uu ka dilaacay cudurka loo yaqaan daacuun caloolaadka kaasi oo soo ritey dad tiro ahaan toboneeyo kor u dhaafaya isla markaana haatan lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee magalada baydhabo.

Agaasimaha cisbitaalka guud ee magalada baydhabo Dr C/fitaax Ibraahim Xaashi ayaa todobaadkan sheegey in bukaanada soo ridanaayo cudurka shuban biyoodka ay sii kordheyso tiradooda maalinba maalinta ka dambeysa asagoo sidoo kalana qeylo dhaan u direy hey’adaha caafimaadka aduunka iyo hey’adaha kaalmeeya cisbitaalka baydhabo.

Warar ay heleyso daafeed.com ayaa waxaa ay ku waramayaan in dadka u ildaran cudurka shuban biyoodka ee ku jiro cisbitaalkla magalada baydhabo haatan ay u gudbeen marxalada daacuun caloodka kaasi oo haatan fara ba,an ku haya gudaha iyo hareeraha magalada baydhabo ayadoo sida lagu soo waramayo afartii maalmood ee ugu dambeysey ilaa sagaal ruux ay u dhinteen cudurkaas uuna ka mid ahaa Malaaqa Macalin Cali Barre.

Wasiirka wasaarada caafimaadka maamulka shariif xasan oo ka mid ah wasiirada aan ka howl galin magalada baydhabo ayaa arinka wax war ah kasoo saarin halka wasiir ku xigeenka wasarada caafimaadka maamulka shariif xasan Dr Mustaf Xaaji Nuur oo isku deyey in uu hor geeyo kulankii maanta ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir gudoominaayay shariif xasan ayaa lagu diidey in cudurka daacuunka haatan uu la mid yahay dhibaatooyinka ka taagan magalada baydhabo oo ay ugu horeyso Amniga iyo abaaraha.

Bishii dicember sanadkii 2015 ayey eheyd kolkii sidan oo kale magalada baydhabo uga dilaacay cudurka daacuunka ayadoo xiligaas cisbitaalka guud ee magalada baydhabo ay gacan ka siiyeen la dagaalanka cudurkaas hay’adaha ICRC iyo hay’ado kale