Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Max’ed Cisman Jawaari ayaa maanta kulan la yeeshay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii ay ka dalbadeen guddoomiyaha in ay is arkaan.
Prof Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in musharixiinta qaarkood xiriir la soo sameeyeen, islamarkaana weydiisteen in ay arkaan, si ay su’aalo uga weydiiyaan arimaha doorashada iyo sida guddoonka uu u maamulayo.
Prof, Jawaari ayaa sheegay in dhinacooda balan qaadayaan in ay si siman ugu adeegi doonaan dhamaanba musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.
Musharixiinta maanta ay kulameen guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole, Canab Max’ed Daahir iyo xubno kale.
Doorashada oo la filayo in la qabto bisha Feberaayo ee sanadkan ayaa waxaa ku taagan tiro ka badan 20 musharax oo qaarkood horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya.