Guddoomiyaha Aqalka Sare oo uu Maanta Ku Guuleystey Cabdi Xaashi C/dulllaahi

0
63

Waxaa goor dhaw lasoo gabagabeeyey doorashada guddoomiyaha aqalka sare oo ay ku tartameen labo musharax, waxaana ku guuleystay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Cabdi Xaashi C/dulllaahi ayaa hellay 43 cod, halka musharixii la tartamayay Mustafe Max’ed Qodax uu hellay 9 cod, iyadoo guud ahaan xildhibaannada codadka dhiibtay gaarayeen 52 xildhibaan.

Cabdi Xaanshi Cabdullaahi Guddoomiyaha cusub ee aqalka sare oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad celiyay dhamaanba xubanaha aqalka sare, isaga oo sheegay in uu gollaha ku hogaamin doono cadaalad iyo sinnaan.