Beesha Caalamka oo Labada Aqal ugu Baaqdey In Sida Ugu Dhaqsuiyaha Badan Loo Sameeyo Doorashada Madaxweynaha

0
55

Beesha caalamka ayaa ugu baaqaday labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya in deg deg loo guda-gallo dhismaha guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in doorashada madaxweynaha Soomaaliya loo baahan yahay in ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan madaam lagu guuleystay doorashada gudoonka aqalka sare.

QM iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Maalintii shalay ayey aheyd markii la soo dhameystiray dooorashada guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan kulan wadajir ah yeeshaan labada aqal ee Soomaaliya oo ka arinsan doona doorashada madaxweynaha.