Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen xaalada hada ay ku sugan yihiin wadamada qaar ee ku yaalla Qaarada Afrika.
Kulanka oo intiisa badan diirada lagu saarayay amniga dalalka Afrika ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday go’aankii Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo ku aadanaa in 7 dal oo Islaam ah dadkooda uu ka mamnuucay tagista dalka Mareykanka.
Golaha ammaanka ee QM ayaa waxa ay sheegeen go’aanka Trump in uu yahay mid aan loo meel dayin, loona baahan yahay in gacan la siiyo dadka dalalkooda ka soo cararaya ee aan ku heysan nabad gelyo buuxda.
Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa waxa ay ka digeen khatarta ka dhalan karta go’aanka Donald Trump, oo ah mid isugu jira midab takoor, Islaam naceyb, iyo waxyaabo kale, iyagoo sidoo kale sheegay in hada ay sii badan karaan falalka la xiriira amni darada.