Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland C/rixmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sheegay in uu ka tanaasulay u tartamid-da doorashada madaxweynaha Somalia oo la filayo in maalinta barri ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
“ Kol hadii ay musharaxiintii bateen, xildhibaanadii-na wareer ku dhacay ,waxaan soo jeedinayaa in arintaa wax laga badalo anigaana ugu horeeya oo ficilkaa wax ka qabanaya ,waxaana maanta go’aansaday in doorashada bari dhacaysa aan si shakhsiyan ah uga haro “ ayuu yiri C/rixmaan Faroole oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.
Faroole ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowlado shisheeye ay fara –galin toos ah ku hayaan doorashada Somalia oo uu sheegay in ay tahay mid ka hor-imaanaysa madax banaanida dalkan oo ka soo kabanaya colaado sokeeye.
Ugu danbayn,C/rixmaan Faroole ayaa ugu baaqay dowladaha shisheeye in ay faraha kala baxaan masiirka umadda Somaaliyeed ,isaga oo u mahad-celiyay dadkii kala duwanaa ee ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho markii uu yimid.