Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xalay isbaheysiga musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa looga wada hadlay sida ay u wajahayaan doorashada la filayo in maalinta beri ka dhacdo Muqdisho.
Ridwaan Xirsi Max’ed oo ah afhayeenka isbaheysiga musharixiinta xilka madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku hishiiyeen musharixiinta marka ugu danbeysa in ay codkooda siiyaan musharaxa ka tirsan gollaha ee codadka ugu badan hella.
Ridwaan ayaa sheegay in sidoo kale musharixiinta ku hishiiyaan haddii uu guuleysto mid ka mid ah musharixiinta ku jira isbaheysiga in uu soo dhiso dowlad ku dhisan sida uu hadalka u dhigay rabitaanka bulshada islamarkaana lagana talo-galiyay xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya.
Kulanka magaalada Muqdisho ay ku yeesheen musharixiinta ayaa qeyb ka ah olalihii ugu danbeeyay ee loogu diyaargaroobayo doorashada oo la filayo in ay maalinta beri ah dhacdo.