Waxaa hada hoolka Doorashada ee xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni ka bilaabatay codeynta xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee codkiisa dhiibta, maadaama Guddoomiyaha Golaha shacabka uu yahay.
Xildhibaanada ayaa warqadaha codeyntooda waxa ay ku ridayaan Labo Sanduuq oo dhalo ah, kuwaasi oo yaalla goobta ay ku sugan yihiin Guddiga Doorashada Madaxweynaha.
XIldhibaanada Baarlamaanka ee codeynta dhiibanaya ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan 328, Hal xildhibaan ayaa caafimaad daro ku maqan, sida uu sheegay Guddoomiye Jawaari.