Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysey Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Somaliya

0
86

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale jecel yihiin inay mahad iyo qadarin u diraan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee xilka banaynaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa iyagoo uga mahad naqaya guulihii badnaa ee ay gaareen afartii sano ee la soo dhaafay waxayna [Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud] uga mahad celinayaan khudbadiisa qiimaha lahayd ee tanaasulka, taas oo fududeysay in si nabadgelyo ah oo kala dambayn leh xilka la iskugu wareejiyo”

Waxaa qoraalka lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahayaa dhowr caqabadood oo waaweyn si uu u xaqiijiyo yidiilada dadka Soomaaliyeed.

Dadku waxay ka rajaynayaan dowladda federaalka in ay wax ka qabato dhibaatada abaaraha ee sii xumaanaysa ee dalka ka jirta iyo inay ka hortagto macluul kale [oo dalka ka dhacda]”