Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo Ka Hor Yimid Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Ka Dooneyso Berbera.

0
139

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay mawqifkiisa ku aadan saldhiga Milatari ee Xukuumadda Somaliland ay dawladda Imaaraadka ka siisey magaalada Berbera.

Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa sidan ku sheegay mar uu xalay qaar ka mid ah warbaahinta uu kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horreyn uu sheegay in uu la mawqif yahay bayaankii Xisbiga WADDANI iyo dhawaaqii ka soo yeedhaayey xildhibbaanada Xisbigaasi ugu jira Golaha Wakiilada ee liddiga ku ahaa saldhiga Milatari ee Imaaraadka

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa kale oo uu meesha ka saaray in saldhiggaasi uu dhaxal u leeyahay caruurta Somaliland ee mustaqbalka dambe isaga oo tilmaamay in saldhiggaasi uu saameyn khatar ku yeelan doono mustaqbalka Somaliland.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu ka hadlay saameynta colaadeed ee uu saldhiggaasi ka sababi karo guud ahaan gobalka iyo wadamada ku hareeraysan gacanka cadmeed oo uu sheegay in khatar colaadeed ay ka iman karto wadanka Yeman ee uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo dawladda Imaaraadka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu sharci darro ku tilmaamay in labada Gole Baarlamaan la horkeeno heshiiska la gelaayo Imaaraadka, isaga oo xusay in Golaha Wakiiladu xaq u lee yahay ansaxinta wixii heshiisyo ah.

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu Baarlamaanka Somaliland uu ka codsaday in aanay dhuuni ka dooranin danta qaranka balse ay magac ka raacaan oo ay shacabka Somaliland ka difaacaan wixii hagardaamo ku keenaya.