Xukuumada Federaalka oo Sheegtey Iney Lacag Cusub soo Daabici Doonto

0
64

Madaxa Baanka Dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali ayaa warbaahinta u sheegay in qaban qaabooyinkii farsamo ay idlaadeen iminka, waa qaban qaabooyinka loogu jiro soo daabicida lacag.

Dawlada haatan Soomaaliya ka jirta ayuu sheegay inay diyaar u tahay inay maalgeliso ama qarash gareyso soo daabicida lacagtaas.

Lacagihii Soomaaliya ayaa la diiday intoodii badnaa sida 10ka, 20ka, 50ka, 100ka iyo 5ta boqol inta badan dalka waxaana diiday dadka ayadoon la ogaan waxay ku qoonsadeen lacagtooda waxaan ka ahayn kunka kaasoo asna sii daba yar.

lacgaha qalaad siiba doolarka Mareykanka iyo lacagaha elektaroonigga ah ee taleefanada lagu xawilo ayay markaa noqotay in wax lagu kala gato qeybo badan oo dalka ah.