Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somaliya oo U Tacsiyeeyey Eheladii uu Ka Geeryoodey Xildhibaan Saciid

0
62

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlada fedrraalka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyeeyay geeridii xalay ku timid xildhibaan Saciid Xassan Geedi oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Siciid Xasan Geedi ayaa ku soo biiray baarlamaanka Soomaaliya 2012-ka, waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa xildhibaannadii lagu doortay magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeybgalay doorashadii guddoonka baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa alle uga baryay xildhibaanka in uu janadii ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.