Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka oo Heshiiska Somaliland Ay La Gashey Imaaraadka uu Yahay Wax Aan u Wanagsaneyn Bulshada

0
41

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo la hadley idaacada VOA ayaa sharci darro iyo musuq maasuq ku tilmaamay heshiiskii ay meel mariyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ee ahaa in Imaaraadka carabta saldhig milateri ka sameystaan magaalada Berbera.

Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in heshiiskaas uu ahaa mid labo afle ah, isla markaana ay ka dambeeyeen saxiixiisa Mas’uuliyiin ka tirsna Somaliland iyo dowladda Federaalka, isla markaana ay iibsadeen dhulkooda.

Dr Nuur ayaa intaas ku darey in Heshiiskan uu ahaa midi labo afle ah, mid waa musuq maasuq, shaqsiyaad Somaliland iyo dowladda Federaalka baa beecinayay dhulka la rabay oo heshiis la soo galay Imaaraadka, midna waa xadgudub qaran.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in heshiiskan saldhiga milateri uu dhalay heshiiskii sanadkii hore lala galay shirkadda DP World oo lagu wareejiyay Dekeda Berbera, isagoo xusay in qalad ka yimid heshiiskaas uu qeyb ka yahay qaladka hada dhacay.