Maydka Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi General Cadde ayaa maanta galinkii hore laga soo dajiyay Magalaada Bosaaso ,iyadoo amniga Garoonka diyaaradaha uu ahaa mid si weyn loo adkeeyay.
Waxaa garoonka ku sugnaa madaxda Maamulka Puntland oo uu ku jira C/wali Maxamed Cali Gaas , xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Puntland ayaa garoonka ku sugna markii la keenayay maydka marxuumka.
Maydka waxaa diyaarad-dii sid-day ka soo dajiyay ciidamo ka tirsan Puntland ,waxaana diyaaradan ay ka soo kicitintay magaalada Dubai oo ah halka uu ku geeriyooday General Cade Muuse oo muddo afar sano ah soo xukumayay Puntland.
Madax ka timid dhanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qayb-galay aaska marxuumka ,waxaana mas’uuliyiintan ka mid ahaa ra’iisul-wasaariha waqtigiisu dhamaaday ee Cumar C/rashiid.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad aqalka sare ee Somaliya ayaa goobta ka sheegay in fariin tacsi ah ay ka sidaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ,kaasi oo dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho.