Ciidamadda Booliska maamulka Somaliland ayaa madaarka magaaladda Hargeysa ku xidhay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon oo ka soo laabtay safar uu ku tagay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya.
Wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon ayaa kulamo la yeeshay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, isla markaana ka qabgalay mudaharaadyo lagu taageerayey oo magaaladda Muqdisho ka dhacay, taas oo muuqaalo uu ka khudbadaynayo lagu faafiyey baraha internetka ah.
Ciidamada amaanku wali kamay hadlin sababta loo xidhay suxufigan, haseyeeshee waxa loo malaynayaa inay xarigaasi khuseyso dibadbaxyaddii madaxweynaha cusub lagu taageerayey.
Ma aha markii ugu horeysey oo ay maamulka somaliland xabsig adhigaan wariyeyaasha iyo fananiinta safarka ku taga magalada muqidhso taasoo ay ku diidan yihiin in fananiinta kasoo jeeda deegaanada somaliland iyo wariyeyaashooduba aysan tegi karin magalada muqdisho taasoo ah wax aad lala yaabo.