Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland oo Sheegey In Maxkamada La Hor Keeni Dooni Suxufi Coldoon iyo Suxufi Maxamed Bashe

0
51

Taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay xadhiga agaasimaha TV-ga STAR TV Maxamed Baashe Xaaji Xasan iyo wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaanay sheegeen inay maxkamadda hor keeni doonno.

Afhayeenka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa sheegay in agaasimaha star tv Maxamed Baashe loo xidhay inuu ku kacayy falal kicin dadweyne iyo khalkhalgalin amniga, isla markaana ka baxay shaqaddii suxufinimo, halka wariyaha Cabdimaalik Muuse Coldoona ku eedeysan yahay qaran dumis,isla markaaana faafiyey warar been abuur ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Faysal Xiis oo isna ka hadlayey xadhiga Wariye Coldoon waxa uu yidhi “ciidanka boolisku waxay bishii labaad, 15-keeddii ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanne Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaasi oo lagu eeeyey inuu ka hor yimd jiritaanka qaranimada Somalilad oo uu faafineyy warar been ah oo aan sal iyo raad doona lahayn”.

Dhinaca kale, gudoomiyaha ururka Saxaafadda Somaliland, Maxamuud Xuuto ayaa cambaareeyey xadhiga agaasimaha Star tv iyo mulkiilaha UNIVERSAL iyo Wakiiladda Universal ee Somaliland oo iyaguna shalay lagu xidhay xarunta dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa oo markii ay habeen xidhnaayeen la iska sii daayey.