Magaalada Muqdisho fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, maanta waxaa ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo uu shalay Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyeyaal Degmo, Ururka Haweenka, Dadweyne isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir, Kooxda Fanka ee Heegan, iyo xubno kale, waxaana soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka oo halkaasi qudbad ka jeediyey khudbadiisana waxaa ka mid aheyd.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada