Dhegeyso:Gudoomiyiaha Degmada Marka oo Ka Hadley Dagaalada Ka Socda Degmada Marka

0
73

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey Macallin oo la hadley warbaahinta ayaa faafaafhin ka bixiyey dagaal seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafey ka socdey gudaha magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Xasan Cumarey ayaa sheegay in laba Maleeshiyo Beeleed oo aan ogeyn waxa ay isku dilayaan ay ku dagaalamayaan magaalada Marka, waxaana nasiib daro uu ku tilmaamey in mar kale dagaal uu dhaco, isagoo direy baaq ah in dagaalka la joojiyo.

Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhexeeyaan beesha biyamaal iyo habargidir mana aha markii ugu horeysey oo ay isaga horyimaadaan dagaalo noocan oo kale ah marar badana waxaa laga shaqeeyey sidii loo soo soo afjari lahaa balse ma aysan hir gelin ayadoo sababta ugu weyn ay tahay xaqiiqdoo indhaha laga qabsadey.

Xasan Cumarey

Halkan hoose uga dhegeyso mobilkada

Xasan Cumarey Mobil