Maamulka Somaliland oo Maanta Maxkamad Keeni Doonta Wariye CabdiMaalik Coldoon

0
55

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa in maanta la hor keeeno wariye CabdiMaalik Coldoon oo waayadii ugu danbeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo eedeeyay wariyaha in uu ka qeybgalay olole siyaasadeed oo la xiriira doorashadii madaxweynaha Soomaaliya

C/maalik Coldoon ayaa todobaad ka hor lagu xiray garoonka diyaaradaha Hargeysa, kaddib markii uu ka tagay magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa markii ay dhaceysay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa dhowaan sheegay in C/maalik Coldoon la soo taagi doono Maxkamad, kaddib markii uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay qaranimada Somaliland, sida uu yiri.