Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Ka Hadley Culeyska Siyaasadeed ee Soo Food Saarey

0
59

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkiisa ayaa sheegay in xiligan Puntland u baahneyn khilaaf siyaasadeed, isaga oo sheegay in mudadii uu maamulkiisu jiray wax badan la qabtay.

Xildhibaano ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in ay u gudbin doonaan baarlamaanka mooshin ka dhan ah madaxweynaha, taasoo xiisad siyaasadeed ka dhax abuurtay maamulka.

Madaxweyne Gaas oo hada ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa yiri “Puntland waxay u baahan tahay Midnimo iyo Wadajir, uma baahna buuq, xasarad, uma baahna nin dan leh inuu dadka kiciyo, waxay u baahan tahay, iyadoo mid ah oo danteeda raadsato, degenaansho, nabadgelyo iyo horumar”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Waxaa uu intaa ku darray in xiligan aan loo baahneyn buuq siyaasadeed, islamarkaana taa badalkeeda loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo hormar iyada oo la ilaalinayo sharuucda iyo nidaamka u degsan maamulka.