In Ka Badan 60 Ruux oo 24 Saac ee Lasoo Dhaafey Cudurka Shubun Biyoodka Ugu Geeryoodey Gobolka Baay

0
71

Dadka ku geeriyooday cudurka shubanka ayaa isugu jira carruur iyo dad waa weyn, waxaana jira dad fara badan oo aad u liita, kuwaasoo goobo caafimaad la dhigay.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada ee deegaanka Ow-diinle C/llaahi Cumar Maxamed ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka shuban biyoodka ay gaarayaan illaa 65 ruux. Waxaa uu sheegay in in ka badan 60 kale ay la il daran tahay, waxaa uu ku baaqay in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka uu soo ritay cudurkan.

Goobo caafimaad oo aan hagaagsaneyn ayay dadka ku jiraan, waxaa qaarkood ay jiifaan dhulka, daawooyinkii lagula tacaalayay ka hor-taga cudurka shuban biyoodka ayaa gabaabsi ah.

Deegaanada abaaraha ka jirta waxaa laga soo sheegayaa cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay, waxaana jira in meelaha qaar inaan la gaarsiin gargaar daawo leh, taas oo keentay in dad badan u geeriyoodaan.