Cali Cabdi Baab oo Filin Dhamaadey Bilyeeti loogu Gooyey

0
173

Ayadoo maamulka Shariif Xasan Sheikh Adan haatan uu dhex dabaalanaayo mowjado siyaasadeed kuwaas oo ragaadiyey maamulkiisa gacan ku rimiska ahaa ayaa hadana dhanka kale waxaad moodaa in shaqsiyaad ka mid ah qurbo joogta koonfur galbeed ay haatan u hanqal taagayaan in maamulkaas waqtigiisa dhamaadey uu xil u magacaabo.

Talaabadan qar ka mid ah qurbo joogta koonfur galbeed ku damcayaan xilalka maamul gabey hooshii umada ay u idmatey ayaa ah mid muujinaya daciifnimada iyo quusta ay shaqsiyaadkaas ku nool yihiin xiligan hada la joogo.

Cali Cabdi Baab oo ka mid ah shaqsiyaadka haatan u goostey bilyeeti filin waqtigiisa dhamaadey ee uu atooraha ka ahaa Shariif Xasan ayaa yimid kadib kolkii xubno qurbo jog ah oo la fashilmey Shariif Xasan ayna ugu horeeyaan gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Shariif Xasan Sheikh Aadan, Cabdulkhadir Shariif Sheekhuna iyo ninka ku magacaaban wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinnta maamulka Shariif Xasan, Aba Aawow Suufi ay ku qanciyeen in Cali Baab ay u gooyaan filin dhamaadey bilyeetigiisa.

Inkastoo aan weli la huubin in magacaabistan ugaarsiga ku dhisan ee maamulka fashilmey Shariif Xasan uu ku magacaabay Cali Cabdi Baab inuu ogolaadey in uu xilkaasi u qabto maamulka shariif iyo in kale ayaa hadana ogolaashaha Cali Baab waxa ay ka marqaati kici doontaa daciifnimada waalida ku dhisan ee qaar ka mid ah qurbo joogta ay u qabaan magacaabista xilal aan wax micno ah ku fadhin.

Halkan ka aqri wareegtada shariif xasan uu ku magacaabey Calil Cabdi Baab.