Ciidan La Sheegey Iney Ka Tirsan Yihiin Milateriga oo Xertey Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Magalada Muqdisho

0
61

Warar aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in maanta wadada dheer ee maka al mukarama ay xirteen ciidamo gadoodey oo ka tirsan ciidanka xooga dalka somaliyeed oo ka cabanaya mushaar la,aan.

Ciidanka qaar ayaa la sheegey in ay u dhaqaaqeen dhanka xaafadda Buulo Xuubey, gaar ahaan Suuqa Buulo Xuubey oo ganacsigii ay joojiyeen, halka qaar kale ay u soo dhaqaaqeen dhanka wadada Maka Al-Mukarama, iyaga oo tiro badan ayaana lagu arkay Isgoyska Soobe, KM4 ilaa iyo Dabka.

Dad goobjoogayaal ah oo arkay ciidamadan ayaa warbaahinta u sheegay ciidanka inaysan wax dhibaato u geysan dadka shacabka ah, balse ay ahaayeen ciidan muujinaayay mushaar la’aanta haysata.

Si kastaba arintu ha ahaatee cidamada gadoodka ayaan aheyn wax ku cusub gudaha dalka somalliya taasoo sabab inta badan u ah mushaar la,aan ciidanka heysata iyo ciidanka oo aan laheyn wax dishibiliin ah ayagoo intooda badana ay markii hore ahaayeen ciidamo beeleedyo dharka uun laga bedeley oo aan wax nidaam iyo kala dambeyn horey loogu sheegin.