Qarax aad u xoogan ayaa barqanimadii maanta ka dhacay afka hore ee hotel Weheliye magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu haleelay gaari nuuca loo yaqaan Hilux oo marayay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, gaariga ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowlada.
Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay dad gaaraya ilaa siddeed ruux oo u badnaa dad shacab , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan kuwaa oo xarumaha caafimaadka loola cararay.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan saameyntiisana si weyn looga dareemay magaaalada Muqdisho ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay goobo ganacsi oo kuyaala agagaarka Hotelka Wehliye iyo gaadiid halkaasi yaalay iyo kuwa wadada marayay.
War hada soo dhacayna waxa uu sheegayaa in Shabaab ay sheegteen weerarkan
War laga siidaayay warbaahinta Shabaab ayaa waxay ku sheegteen in Qaraxii maanta lala beegsaday Hoteel Wehliye ay iyagu ka mas’uul ahaayeen isla markaana ay ku dileen saraakiil ciidan iyo xildhibaano horay uga tirsanaa Baarlamaanka DF-ka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in Qaraxa ay ku dileen Shabaab ugu yaraan 30 ruux oo ay ku jiraan saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Ciidamada sidoo kalena ay ku dhaawaceen ugu yaraan 40 tameeyo kale.
Saraakiisha ay Shabaabku sheegteen inay ku dileen Qaraxa waxaa ka mid ah.
1-Jenraal ka tirsan hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka ‘Nabad sugidda’ oo lagu magacaabo Maxamed C/Raxmaan.
2-Korneel lagu magacaabo Nuur Saafi oo isna ka mid ahaa saraakiisha Ashahaada la dirirka ee Sirdoonka ah.
3-Nin kale oo lagu magacaabo Korneel Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa ciidamada military-ga dowladda Federaalka.
4- Nin magaciisa lagu soo koobay Nuur Kuuloow oo ka mid ah shaqaalaha Golaha baarlamaanka ayaa sidoo kale dhaawac halis ah ku noqday qaraxaas.
Ex-Xildhibaan Xasan Cumar ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa.
Ex-Xildhibaan Maxamed Nuur ayaa isna ka mid ahaa dadka lagu dilay Qaraxa.
Lama oga xaqiiqda sheegashada Shabaab ee ah inay dileen Mas’uuliyiintan ay magacyadooda soo qoreen iyo in kale,Hayeeshee waxaa marag madoonta ah in dad badan oo Rayid ahaa oo isugu jirey Caruurta Kabaha Caseeya,Haween ganacsiyo yaryar ku haystay halkaas iyo dad wadada marayey oo la kulmay Qaraxa ay ka mid ahaayeen dadkii maanta Qaraxa ay ku laayeen Shabaabku.