Salaad “Roob doon” ah, ayaa maanta lagu oogay Banaanka hore ee Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdiaho, waxaana kasoo qeyb-galay masuuliyiin, culumaa’udiin, Ardada dugsi Qur’aanka iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka gobolka banaadir.
Masuuliyiintii ku sugnaa masjidka waxaa ka mid ahaa, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
Culumaa’udiin magaca ku dhex-leh bulshadda Soomaaliya, ayaa qeyb ka ahaa salaada, waxaan ka mid ahaa, Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Dheere iyo Mashaa’iq kale oo badan.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa dadka ay saameeyeen Abaaraha ugu duceeyay in Alle uu ka dulqaado, waxaana hadalkiisa uu sii raaciyay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan ee ka jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.
Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa dhankiisa sheegay in Abaartaan ay ku timid danbi ay galeen dadka Soomaaliyeed, haatana looga bixi karo oo kaliya in lees Cafiyo.