Wararka aynu ka heleyno degmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose in kooxo afka soo duubtey ay habeenkii xaley gurigiisa kala baxeen wiil uu dhaley gudoomiyihii hore ee degmada afgooye Cabdullaahi Cabdi Axmed.
Kooxaha ayaa la sheegay in ay Wiilka ay kala baxeen Guriga ,islamarkaana ka xaysteen ilaa iyo Haddana aan la ogeyn halka ay la aadeen.
Dhan kale dadka kunool degmada Afgooye ayaa in mudo ahba ka cabanayey dhibaatooyin ay ku hayaan Kooxo Burcad ah oo dadka dhac u geysta xilliyadda habeenkii ah.
Maamulka degmada Afgooye ayaa Wali ka hadlin Afduubka xalay ka dhacay Afgooye iyo dhibaatooyinka aan dhamaadka laheyn ee lagu hayo shacabka degmada afgooye.