Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Max’ed Shaakir oo dib ugu laabtay degmada Dhuusa-mareeb, kadib safar todobaadyadii ugu danbeeyay uu ku joogay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay hishiis ay la gaareen dowladda dhexe.
Sheekh Shaakir, ayaa sheegay in dowladda cusub ee madaxweynaha uu ka yahay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo isla soo qaadeen arimo dhowr oo la xirira hagaajinta xiriirka maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna iyo dowladda dhexe oo xumaa waayadii ugu danbeeyay.
Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaashiii ka socday maamul gobolleedyada dalka ee Muqdisho ee uga qeyb-gallay bishii hore calleemo saarka madaxweyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo wax xooggaa isku soo dhawaasho ah ka dhax abuurtay dowladda iyo maamulka Ahlu Sunna oo markii hore kala taagnaa.
Ugu danbeyntii, maamulka gobollada dhexe Ahlu Sunna ayaa wali diidan jiritaanka maamulka kale ee Galmudug, taasoo xumeysay cilaaqaadkii iyo xiriirkii kala dhaxeeyay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Max’uud afartii sano ee la soo dhaafay.