Dalka Maleeshiya oo Abaaraha Ugu Deeqey 100 Kun oo Dollar

0
51

Dawlada Malaysia ayaa waxay sheegtay in hadda Lacag Boqol Kun Dollarka Mareykanka Ah “$100,000” ay ku wareejiyeen Sii hayaha R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo hadda socdaal ku jooga Magaalada Kuala Lampur.

Waddanka Malaysia oo ka mid ah Dalalka Ganacsi ahaanta Hormarka sameeyey Sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxay bilowday mashruuc lacag loogu uruurinayo Dadka ay Abaarta ku saameysay Soomaaliya.

Mashruucaan ayaa waxa uu yahay mid walaalnimo oo Dadka Waddankaasi udhashay loo bandhigayo inay Sadaqo la baxaan si loogu bad baadiyo Soomaali ku dhimanaya Dalkiisa oo Gaajo iyo Biyo la’aan Heysato.

Ra’isul wasaaraha Najib Razak oo ayaa arrintan ku garab istaagay Madaxweyne Dowlada Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo hadda wada olale loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.