Madaxweynaha Dalka Kenya oo Baarlamaanka Kenya Ka Hor Hadlayey oo Sheegey In Ciidanka Kenya Aysan Somaliya ka Bixi Doonin

0
61

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee jooga Somaliya aysan ka baxeyn Somaliya ilaa Al Shabaab laga saarayo Gobolka sida uu hadalka u dhigay.

Mr Kenyatta oo la hadlaayay Baarlamaanka dalkaas ayaa waxa uu sheegay in ciidanka Kenya ee Gabdhaha iyo wiilasha ah ee ku sugan Somaliya ay sii joogi doonaan inta ay ka dhamaaneyso qatarta amni ee gudaha Kenya ay ka geystaan Al-Shabaab.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay Askarta Kenya ee ku dhimatay Somaliya gaar ahaan askartii Ceel Cadde iyo Kulbiyow,waxaana uu sheegay in askartaas ay u dhinteen shacabka iyo difaaca Kenya sidaas darteedna ay yihiin geesiyaal dhintay iyaga oo u dagaallamaya dalkooda waxaana uu ka gaabsaday tirada Askarta kaga dhimatay labada weerar.

Mr Uhuru waxa uu ku dooday in Al-Shabaab aysan hadda heysan fursad ay ku cabsi geliyaan shacabka Kenya ee ku nool gudaha dalkooda taas beddelkeedana ay ciidamada Kenya u joogaan Somaliya sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga Somaliya,kan Kenya iyo Gobolka oo dhan.