War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta Mooshin Ka Keeney Shariif Xasan

1
39

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee 3da gobol ayaa guddoonka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada ayaa madaxda uga sarreysa maamulka ku eedeynaya waxqabad la’aan iyo in ay ka gaabiyeen howlihii loo idmaday ama loo doortay.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay rajeynayaan in mooshinkan uu baarlamanka dood ka yeesho 20 bishan Maarso, ayaga oo guddoonka baarlamanka ugu baaqay inuu xildhibaanada u furo hoolka baarlamanka.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa gaaraya illaa 95 xildhibaan, waxaana ay sheegeen in marnaba sida ay hadalka u dhigeen ka laaban doonin mooshinka sidii marar badan hore dhacday.

1 COMMENT

  1. Walaahi nimanyahow waa fiican tahay Shariifka keligiisa ma aha oo qof walba oo Soomaali maammul u qabta hadduu ka soo bixi waayo in talaabo rasmi oo laaluush doon aheyn laga qaado, marka qof walba oo ku haminaayo inaan hantigda Qaranka dhaco ama ummadda uu u shaqeynaayo hagareeya isku dayaayo wuu gaabsan lahaa illeyn sheydaan dushiisa ayuu u naxaa.

Comments are closed.