Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaallka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay inay bilaabaneyso waqtigii isla xisaabtanka hey’adaha dowladda, isagoo cadeeyay inuu ku dadaali doono nidaam kala dambeyn ah oo xukuumaddiisa la timaado.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in la ilaalin doono xuquuqda shaqaalaha dowladda, isla markaana shaqaalaha qudhooda lagila xisaabtami doono shaqooyinka ay hayaan.
Mr Kheyre ayaa xusay inay muhiim tahay in hay’ad walba ay ka soo baxdo howsha loo igmaday, isagana uu ku dadaali doono kormeerka iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda
Hadalkan ayuu shalay u jeediyay ra’iisul wasaaraha, kulan uu la qaatay shaqaalaha xafiiskiisa, waxaana uu balan qaaday in cid walba lagula xisaabtami doono howsha ay heyso.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada