Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Xafiiskiisa Kula Kulmey Gudoomiyaha Midowga Africa

0
39

Madaxweyne Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo maanta booqasho ku yimid dalka somaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Gudoomiyaha uga warbixiyay Abaaraha saameeyay dadka Soomaaliyeed ee ka jira guud ahaan Soomaaliya waxay kaloo ka wada hadleen Ammaanka iyo sidii loo hurumarin lahaa dalka somaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya xilligaan ay ka jirto Abaar Baahsan , islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa.

Booqashadan ee uu gudoomiyaha midowga africa ku yimid somaliya ayaa noqoneysa tii ugu horeysey.