Dowladda Malaysia ayaa qayb yar oo kamid ah askarteeda waxay u diri-doontaa Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha gurmadka ee shicibka Soomaaliyeed looga gargaarayo abaarta.
Wasiirka difaaca Malaysia ayaa tilmaamay in ciidanku haatan ku sugan yahay Riyaad, dalka Sucuudiga, loona diri doono Soomaaliya.
Wasiirka difaaca Hishammuddin wuxuu yiri, “Go’aanka ah inaan ciidamo u dirno Soomaaliya wuxuu yimid markaan la kulmay raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Cumar Carte Qaalib.”
Wasiirku wuu sii hadlay, “Cumar wuxuu wasaaradda daryeelka Malaysia ka codsaday inay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir.”
Hishammuddin ayaa warfidiyeennada u sheegay in codsiga uga yimid Soomaaliya ay fiiro-gaar ah siiyeen ayna golaha wasiirrada Malaysia ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd.
Gurmadka Soomaaliya loo dirayo waxaa la socda 3 sargaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta.