Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo Shaley Ka Dalbadey Madaxweynaha Iyo Reysuwasaraha Iney Soo Dedejiyaan Magacabista Golaha Wasiirada

0
51

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo maalintii shalay shir guddoominayay kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha in ay deg deg u soo dhisaan xubnaha gollaha wasiirada.

Guddoonka baarlamaanka ayaa arintan ku micneeyay in ay fududeyneyso ka qeyb qaadashada gurmadka abaaraha madaama xildhibaannada u xayiran yihiin ansixinta xukuumada cusub ee la soo dhisayo.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa maalintii shalay meel mariyay qarraarka gurmadka abaaraha oo maalmihii ugu danbeeyayba ay dood ka lahaayeen.

Baaqa guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ee ah in lagu dhaqasado dhismaha gollaha wassiirada ayaa imanaya xili uu dib u dhac weyn ka jiro magacaabista xubnaha gollaha wasiirada marka laga eego waqtigii koobnaa ee madaxweynaha uu ku soo magacaabay ra’iisal wasaaraha.