Sacuudiga oo Qaramada Midoobey Ka Dalbay In La Baaro Cidii Ka Dambeysey Madfaca Doonta Lagu Dhuftey

0
85

Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa Qaramada Midoobey ka dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu Sameeyo dhacdadii lagu dilay dadka Soomaaliyeed ee marayay xeebaha dalka Yemen.

War qoraal ah oo kasoo baxay Isbaheysiga ayaa lagu sheegay in dilka dadkaasi ay tahay wax laga xumaado ,islamarkaana eedeynta ugu badan loo soo jeediyay Isbaheysiga Sacuudiga ayna Qaramada Midoobey ka dalbadanayaan in ay baarayaal u dirto goobta ay wax ka dhaceyn.

Warbaahinta Caalamka ah ayaa inta badan ku eedeynayay Isbaheysiga ay hogaamiso dowladda Sacuudiga in ay ka dambeeyeen dilkii loo geystay 42 qof oo Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa oo ka mid ah Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa si deg deg uga dalbaday dowladdaha Yemen iyo sidoo kale Sacuudiga in ay ka bixiyaan jawaab xasuuqii loo geystay Qaxootiga Soomaaliyeed.