ku dhawaad 2000 oo qof ayaa saaka waxey isu soo bexeen garoonka awameelow ee degamda Wanlaweyn Si ay Alle u baryaan in uu roob siiyo abaarta daba dheeraatayna ka qaado.
Dadkii goobta kasoo qeyb galay waxey isugu jireen Culumadii degmada Arday, Ganacsato, wariyayaal, Habeen, laakn kama soo qeybgalin maamulka degmada Wanlaweyn.
ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay oo dadka u qudbeeyay mid kamid ah culumada degmada Cusmaan maxamed Isku soo baxaan alle bari ayaa waxaa soo go’aamiyay culumada degmada Wanlaweyn oo Afar maalin ka hor kulan ay yeesheen iskuna Afgarteen in sadex maalin La soomo Maalinta Afaraadna La’isugu yimaado Barxada aw-ameelow oo kutaala xaafad xudur weyne oo dhacda Bariga Degmada Wanlaweyn.
Dhanka kale mudo laga joogo 5 bilood 26 /10/2016 ayaa Alle bari caynkan oo kale lagu qabtay isla Barxada aw-ameelow Ayadoo ay xusid mudan tahay in isla maalinkii uu yimid roob lagu qawoobsaday.
Alle barigaas salaada Roobdoonka dabid ayaa meesha waxaa ka duceeyay mid kamid ah culumada degmada Macalin Nuur Cusman bilaal oo ah maamulaha iskuulka Ludh-fulaah.
Cabdulahi M Abukar Daafeet Media Degmada Wanleweyn