Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Baarlamaanka ka Codsadey In La Ansixiyo Golaha Wasiirada

0
55

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ku amaanay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre magacaabista gollaha wasiirada oo sida uu sheegey in mudo gaaban ku qaadatay in uu ku soo magacaabo marka laga eego waqtiga sharciga ah ee dastuurku u ogolaanayo.

‘’Ra’iisal wasaaraha markii aan soo magacaabay waxaan ka dalbaday in mudo 15 cisho ah uu ku soo dhiso xukuumad, muddadii aan u qabtay waxey dhaaftay lix cisho oo kaliya, waa maalmo aad u kooban marka la eega waqtiga uu sharciga u ogolaanayo ee 30ka cisho’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda uu ku qabo xubnaha cusub ee gollaha wasiirada la soo magacaabay.

Ugu danbeyntii, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyaan golaha wasiirada oo looga fadhiyo in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu adeegaan bulshada.