Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe, waxa ay weerar abaabulan ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Millitariga ku leeyihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Shabaabka weerarka soo qaaday ayaa soo maray dhanka Xeebta Degmada Baraawe, waxayna beegsadeen Saldhigyada ciidamada Millitariga ku leeyihiin isla Xeebta Degmada Baraawe, halkaasi oo dagaal xoogan uu ka dhacay.
Alshabab ayaa sheegtey in halkaasi ay ku dileen 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada guutada 3xaad ee halkaasi ku sugnaa halkaas wexey kaloo sheegeen in ay halkaasi ku gubeen labo tikniko qaarna ay kaxeysteen.
Gudoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex, oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Shabaab ay gubeen hal gaari oo nooca Cabdi bilaha ah, kaasi oo ay lahaayeen ciidamada Millitariga.
Hadaldiisana waxaa ka mid ahaa.
Halkan hoose uga dhegeyso mobilkada
Gudomiyaha Degmada Baraawe Mobil